Arsenal oo ku dhawaaqday inuu ka tagayo Alexandre Lacazette

0
136

Baladweyne(Radio Beerlula)-Kooxda reer England ee Arsenal ayaa ku dhawaaqday manta oo Jimco ah, inuu ka tagayo weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette, kaddib marka uu dhamaado qandaraaskiisa dhamaadka bishaan.

Arsenal ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku xaqiijisay bixitaanka weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette:

“Alexandre Lacazette waxa uu naga tagi doonaa marka uu dhammaado qandaraaskiisa haatan, kaas oo soconaya ilaa 30-ka June.”

“Mahadsanid, Lacazette, waxaan kuu rajeyneynaa wax walba oo wanaagsan cutubka xiga ee xirfaddaada.”

Agaasimaha ciyaaraha ee Arsenal Edu ayaa qoraal uu soo dhigay website-ka rasmiga ah ee Gunners, wuxuu ku sheegay:

“Aad baan ugu mahadcelinaynaa Lacazette qof walba oo Arsenal ah.”

“Runtii muhiim ayuu noo ahaa, mar walba wuxuu ahaan doonaa qayb ka mid ah qoyska Arsenal, waxaana u rajaynaynaa nasiib wacan wax walba mustaqbalka ah.”

Wararka qaar ayaa sheegaya in xiddiga reer France uu ku dhawyahay inuu ku laabto kooxdiisii ​​hore ee Lyon.

Ciyaaryahanka reer France ayaa ku biiray kooxda ka dhisan London bishii July 2017, isagoo kaga yimid Lyon, 53 million euros, waxaana uu ka qeyb galay 206 kulan oo uu la qaatay Gunners, tartamada oo dhan, waxaana uu u dhaliyay 71 gool.

31-sano jirkan reer France ayaa waxa uu kula guuleystay Arsenal, FA Cup 2020 iyo FA Community Shield 2017.