Arsenal Oo Laf-Dhabar Kale Ka Doonaysa Man City

0
162

Baladweyne (Radio Beerlula)- Arsenal ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn uga soo adeeganaysay kooxda ay sanadkan horyaalka ku tartameen ee Manchester City markalena siyaasadaas sii wadi karta suuqa xagaaga sanadkan.

Gunners ayaa 2019 kooxdaas kasoo qaatay macalinkooda haatan ee Mikel Arteta halka ay xagaagii hore kala soo wada wareegeen Oleksandr Zinchenko iyo Gabriel Jesus oo muhiim ka ahaa inay horyaalka u tartameen.

Ciyaaryahan kale oo agaasimaha ciyaaraha Gunners ee Edu Gaspar kasoo kaxayn karo xagaaga Etihad Stadium ayaa ah Ilkay Gundogan, kabtanka Manchester City.

Inay markale xiddigaha baxaya iyo kuwa imanaya isku dheeli-tir u helaan ayaa muhiim u ah Edu xilli khadka dhexe bartilmaameedyadiisa asaasi u yahay, ciyaaryahanka koowaad ee ay u doonayaan ayaa ah Declan Rice.

Sidoo kale Arsenal ayaa xagaaga doonaysa saxeexa ciyaaryahan doorka Granit Xhaka ka ciyaari kara oo ay 30 sano jirka ree Switzerland wada tartamaan.

Sida lagu xusay wargeyska Football London, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal lagu soo xoojin karo ayaa ah Gundogan oo heshiiskiisa Cityzens xagaaga dhacayo.

Gundogan ayaa toddobadii sano ee ugu dambeeyay kusoo qaatay Man City oo uu horyaalkii shanaad inuu la qaado qarka u saaran yahay.

Kaliya 21 Milyan oo pound ayuu ugaga soo biiray dhinaca Borussia Dortmund, taas ayaa ka dhigan inuu 3.5 Milyan pound ugu fadhiyo City marka loo qaybiyo horyaalada uu la qaaday iyadoon koobabka kale la gaadhin.

32 sano jirkaas ayaa 58 gool usoo dhaliyay Manchester City 300 kulan oo uu metelay, waxa loo arkaa mid kamida xiddigaha ugu fiican booskiisa dunida balse aan hadal haynta badan helin.