Arsenal Oo Markale Weeraraysa Ajax & Booska Xiddiga Ay Markan Ka Doonayaan

0
112

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaan u muuqan mid kasoo dhammaatay ganacsiga ay xagaagan la samaynayso kooxda Dutch-ka ah ee Ajax oo ay hore ugala soo wareegeen daafaca Jurrien Timber.

Arsenal ayaa durba safkeeda suuqa xagaagan si weyn u xoojisay iyadoo la saxeexatay Declan Rice, Kai Havertz iyo Jurrien Timber.

Hal shuruud oo Arsenal hortaala si ay dhaq-dhaqaaq badan oo kale uga samayso suuqa ayaa ah inay iska iibiso xiddigaha aysan u baahnayn si uusan sharciga FFP u qaban maadaama ay haatanba 200 Milyan oo pound kharash gareeyeen.

Agaasimaha ciyaaraha Arsenal ee Edu Gaspar ayaa haatan diirada saari doona inuu diro xiddigaha aan qorshaha kooxda ku jirin sida Kieran Tierney, Cedric Soares, Nicolas Pepe, Lokonga, Nuno Tavares iyo Rob Holding.

Sidoo kale mustaqbalka Thomas Partrey ayaa calaamad su’aal saaran tahay xagaagan balse Gunners ayaan doonayn inay iibiyaan khadka dhexe ee ree Ghana ilaa ay helaan dalab weyn.

Si kastaba, saxeexa kale ee ay haatan Arsenal ka doonayso Ajax ayaa ah xiddiga dhawrka boos dheeli kara ee Mohammed Kudus.

22 sano jirkaas ayaa dheeli kara No.8 iyo garabka midig ee weerarka labadaba. Inuu boosas badan dheeli karo ayaa la sheegay inay tahay mid kamida waxyaabaha soo jiitay shaqaalaha shaqaalaysiinta Arsenal.

Kudus ayay sidoo kale doonaysaa Brighton xagaagan balse inuu u wareegi karo koox Champions League dheelaysa lana filayo inay markale Premier League u tartanto ayaa fursad weyn ah.

Image