Arsenal Oo Qiimo Aad U Jaban Loogu Soo Bandhigay Mariano Diaz, Imisa Ayay Ku Heli Karaa?

0
309

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa in ay si deg-deg ah u kala nadiifiso kooxdeeda ka hor inta uuna bilaaban xilli ciyaareedka cusub iyaga oo doonaya in ay iibiyaan xiddigaha aan ka midka ahayn qorshaha tababare Zidane ee xilli ciyaareedka dambe.

Real Madrid ayaa kooxda Arsenal qiimo aad u jaban ugu soo bandhigtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Mariano Diaz.

Gunners ayaa kaliya 40 Milyan oo euro ku galaysa suuqa dhan kadib markii ay ku fashilmeen in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Arintaas ayaa dishay rajadii Arsenal ee saxiixa xiddigaha Wilfried Zaha, Ryan Fraser & Yannick Carrasco kuwaas oo loo sheegay in ay miiska saaraan lacag qaali ah.

Laakiin Mariano Diaz ayaa ah xiddig ay Real Madrid xaraashayso waxana ay Arsenal ugu soo bandhigtay kaliya lacag dhan 18 Milyan oo euro.

Gunners ayaa raadinaysa weeraryahan kadib markii ay Danny Welbeck U ogolaadeen in uu si xor ah uga tago kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

Sidaas darteed Arsenal ayaa qiimo aad u jaban ku helaysa weeraryahan xilli ciyaareedka dambe u xoojin kara weerarkooda laakiin waxa la sugi doonaa qaabka ay Arsenal uga fal celiso arintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here