Arsenal Oo Soo Saartay Liiska Xiddigaheeda Champions League U Matalaya Xilli Ciyaareedkan

0
71

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa caawa ku dhawaaqday liiska ciyaartoyda uga qeyb galaya Champions League xilli ciyaareedkan iyadoo daafac muhiim ah laga reebay liiska madaama uu dhaawac yahay.

Gunners ayaa ku dhawaaqay liiska 25ka xiddig ee u ciyaaraya wareega group-yada Champions League halka loo ogol yahay tiro aan xadi laheyn ee ciyaartoyda da’dooda ka yar tahay 21 jirada ee labo sannadood kooxda joogay.

Liiska waxaa lagu soo daray Cedric Soares madaama uu ku sii negaanayo kooxda inkastoo lala xiriirinayay inuu u ambabaxayo horyaalka Turkiga oo suuqiisa kala iibsiga u weli furan yahay.

Tababare Mikel Arteta ayaase ka soo tagay daafaca cusub Jurrien Timber oo dhaawac ah, laakiin waxa uu fursad u heystaa in Champions League lagu soo darro haddii Gunners ay ka gudubto wareega group-yada markaasoo liis cusub la gudbinayo bisha Janaayo.

25ka Ciyaaryahan Ee Arsenal U Matalaya Champions League:

Goolhaye: Aaron Ramsdale, David Raya, James Hillson

Daafac: Cedric, Lino Sousa, Takehiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko, Ben White, Gabriel, Jakub Kiwior, William Saliba

Khadka Dhexe: Mohamed Elneny, Jorginho, Thomas Partey, Declan Rice, Martin Odegaard, Kai Havertz, Fabio Vieira, Emile Smith Rowe

Weerar: Leandro Trossard, Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Reiss Nelson, Eddie Nketiah, Gabriel Jesus