Baladweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal ayaa si guul leh ku bilaabatay ololahooda Champions League ee xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay guul weyn kala soo hoydeen Spain.
Kooxda Mikel Arteta ayaa taariikh ka dhigtay tartanka Yurub, iyagoo noqday kooxdii ugu horreysay ee abid ku guuleysata lix kulan oo xiriir ah oo ka dhan ah kooxaha Spain, taariikhda European Cup/Champions League.
Guusha Bilbao ayaa timid kaddib labo guul oo xiriir ah oo ay Arsenal ka gaartay Sevilla xilli ciyaareedkii 2023/24, iyo sidoo kale guulo ay ka heleen Girona iyo Real Madrid xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal waxay mar kale garoomada Champions League kusoo laaban doonaan 1-da Oktoobar markaasoo ay la ciyaarayaan Olympiacos, halka 21-ka Oktoobar ay fursad u heli doonaan inay rikoodhkooda dheereystaan marka ay la kulmaan Atletico Madrid.


