Arsenal oo wali dhinaceeda dhulka la dhigi la’ayahay kaddib markii guul ay u qalantay ka soo heshay Bournemouth

0
204

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa wali dhinaceeda dhulka la dhigi la’ayahay kaddib markii ay 0-3 kaga soo adkaatay kooxda Bournemouth oo ay ku booqatay garoonka Vitality, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada Isbuuca saddexaad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda la celin la’ayahay ee Arsenal.

Baladweyne (Radio Beerlula)- Daqiiqadii 5-aad ee bilowga ciyaarta Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Martin Ødegaard.

11 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Arsenal ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana markale 0-2 ka digay Martin Ødegaard kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Jesus.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

William Saliba oo ay cawin kaga timid Granit Xhaka ayaa daqiiqadii 54-aad wuxuu dheesha ka  dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay Gunners.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Arsenal kooxda AFC Bournemouth oo ay ku booqatay garoonka Vitality, Gunners ayaa kaddib guushaan ay gaartay, waxay hoggaanka u qabatay horyaalka Premier League, kaddib markii ay uruursatay 9 dhibcood.