Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa wali ku dhaggan hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay guul soo laabasho oo 2-1 ah ka gaartay Fulham, kaddib ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Emirates.
Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Arsenal iyo Fulham ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 56-aad kooxda Fulham ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda Aleksandar Mitrović.
Laakiin 64 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Arsenal ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Martin Ødegaard kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkii Bukayo Saka.
Daqiiqadii 86-aad Arsenal ayaa markale hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uuu 2-1 ka dhigay Magalhaes oo ay caawin kaga timid William Saliba.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-1 ay kaga adkaatay Arsenal, kooxda Fulham oo ku soo booqatay garoonka Emirates, Gunners ayaa kaddib guushan ay gaartay wali waxay hoggaamineysaa horaalka horyaalka Premier League.