Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xaalada Leandro Trossard kaas oo dhaawac uga baxay kulankii xulka qarankiisa Belguim.
Xiddiga garabka ka ciyaara Gunners ayaa ku bilowday kulankii uu xulkiisu la ciyaaray Israel Axadii laakiin waxa uu ciyaarta ka baxay daqiiqadii 37-aad.
Xiddiga ayaa la arkay isaga oo si xun u dhacay taas oo keentay in laga saaro ciyaarta.
Trossard oo 29 jir ah ayaa 15 kulan u saftay Arsenal ilaa haatan xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 2 gool.
Dhaawaca xiddiga soo gaadhay ayaa wal-wal ku ah kooxda Arsenal marka loo eego in ay kooxdu la dhibaatoonayso dhaawacyo.