Arsenal Oo Xasuuq Ay U Geysatay Sheffield United

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa soo gashay kaalinta labaad ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay guul weyn ka gaadhay Sheffield United oo ay ku dardartay 4-0 kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium oo ay Gunners ku raaxaysanaysay.

Saddexlay uu dhaliyey Eddie Nketiah iyo laba ay ku dareen Fabrio Vieira iyo Tomiyasu ayaa Arsenal siiyey saddex dhibcood oo sababay inay kusoo laabtaan jidka guusha ee ay ka leexdeen ciyaartii ugu dabaysay oo ay barbarro 2-2 ah lasoo galeen Chelsea oo ay ku booqdeen Stamford Bridge.

Daqiiqaddii 28aad ee ciyaarta ayuu Eddie Nketiah hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal, kaddib markii uu helay baas ka yimid Declan Rice oo uu si xarrago leh u dhamaystiray.

Arsenal oo ciyaarta maamulanaysay ma aanay joojin weerarka joogtada ah ee ay ku hayeen goolka Sheffield United oo ah kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League isla markaana haysata dhibic kaliya oo ay ka heshay 10 ciyaarood oo ay dheeshay, ayaa waxa ay hafiyeen difaaca oo kala daadsanaa, inkasta oo qaybta hore lagu kala baxay goolka Nketiah.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay shan daqiiqadood oo kaliya ayuu mar kale shabaqa soo taabtay Nketiah oo kubbad uu goolhayuhu soo tufay dib ugu celiyey, isla markaana shabaqa la haleelay.

Siddeed daqiiqadood kaddib ayay Arsenal sii dheeraysatay hoggaanka oo uu goolka saddexaad dhamaystiray, ka hor intii aanu Fabrio Vieira oo beddel kusoo galay rikoodhe kusii niyad-jabinin kooxda martida ahayd ee uu waqtigu ku xun yahay ee Sheffield United.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ayay Arsenal keentay goolka shanaad oo uu u dhaliyey Tomiyasu oo beddel kusoo galay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 5-0 ay guushu ku raacday Arsenal.