Arteta oo Digniin U Diray Jamaahiirta Arsenal Kaddib Guushii Weyneyd Ee Chelsea

0
161

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa jamaahiirta kooxdiisa farriin u diray kaddib kulankii ay guusha weyn ee 4-0 ka ah xalay xilli dambe ka gaadheen Chelsea oo ay carriga Maraykanka ku kulmeen.

Arsenal ayaa afar gool oo jawaab la’aan ah ku derdertay Chelsea iyadoo goolasha ka kala heshay saxeexa cusub ee Gabriel Jesus oo shabaqa laga celin la’yahay, Martin Odegaard, Bukayo Saka iyo Sambi Lokonga.

Guushaas ayaa ahayd midii afraad ee ay Arsenal gaadho afartii kulan ee ay ka ciyaartay isku diyaarinta xilli ciyaareedka iyaga oo 14 gool soo dhaliyay kulamadaas.

Arteta ayaa sheegay in kulankaas ay waxyaabo badan oo wanaagsan ka arkeen balse uu kaliya yahay ciyaar saaxiibtinimo oo aysan jamaahiirta Arsenal is-raacin.

“Haa balse wuxuu ahaa kulan saaxiibtinimo, sida aad aragtaan waxa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo kulanka laga qaato. Qaabka aanu u ciyaarnay, adayga aanu muujinay, qaabka aanu iskugu dayaynay inaanu muujino cida aanu nahay koox ahaan balse isla markaana waa tijaabo uun, aad ha isu raacinina” ayuu yidhi Mikel.

Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii hore booska shanaad kaga dhammaysatay Premier League iyagoo kaalinta afraad xilli dambe u waayay Tottenham, 2022-23 ayay isku dayi doonaan inay ugu yaraan usoo baxaan Champions League.

Gunners ayaa si weyn uga dhex muuqday suuqa xagaaga iyagoo shan saxeex maraya, xiddigaha ay ilaa haatan xaqiijiyeen ayaa kala ah Marquinhos, Matt Turner, Pablo Vieira, Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko.