Askar ka tirsan ciidamada ilaalada wadooyinka oo Muqdisho loogu soo gaba gabeeyay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda.

0
125

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaarkamida ciidanka booliska soomaaliyeed gaar Ahaana kuwa nabadgalyada wadooyinka ee taraafiko ayaa tabar aqoontooda sare loogu qaadayay loogu soo xeray magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya gaar Ahaana xarunta ciidanka booliska ee gen kaahiye.

Ciidankan nabad galyada wadooyinka ee taraafiko ayaa mudadii uu u socday tababarka aqoontooda kor loogu qaadayay waxaa lagu baray hagidada gaadiidk, calaamadaha wadooyinka, cabirka shilalka , diyaarinta galdacwadeedka, xeerka nabadgalyada wadooyinka iyo anshaxa ciidanka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad