Askar Ruush ah oo kufsaday haween Ukraine u dhashy oo dacwad lagu soo oogay

0
86

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dacwad oogayaasha Ukraine ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay laba askari oo Ruush ah oo kufsaday haween Ukrain ah magaalo ku dhow Kyiv toddobaadyadii ugu horreeyay ee duullaanka.

Magacyada dadkan oo ay da’dooda kala tahay 28-jir iyo 31-jir ayaa la qariyay waxaana la sheegay in ay ahaayeen kuwa wax toogata, balse baarayaasha ayaa sheegay in bishii Maarso ee sannadkii hore ay xoog ku galeen guri dabaq ah, halkaas oo ay ku kufsadeen gabar dhallinyaro ah, iyagoo sidoo kale ninkeeda ku qasbay inuu daawado.

Ka dib, mid ka mid ah ayaa lagu eedeeyay inuu kufsaday gabadhooda oo afar jir ah.

Xaafad dariska la ah ayaa la sheegay in ay ku kufsadeen haweeney uur leh iyo gabar aan qaan gaarin. (Laba dhacdo oo kale ayaa liiska ku jira.