Askar Turki ah oo ku sumoobay god ay baaritaan ka wadeen

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda difaaca ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in 12 askari ay dhinteen ka dib markii ay jiideen gaaska nooca loo yaqaano methane-ka, xilli howlgal ay wadeen waqooyiga Ciraaq.

Ciidamada ayaa god buur ah ka baarayay meydka sarkaal saddex sano ka hor lagu dilay dagaal ay la galeen ciidamada Kurdiyiinta.

Methane waa gaas aan midab lahayn oo aan ur lahayn kaas oo sababi kara in qofka uu neef-qabtoobo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here