Askari sii daayay maxaabiis uu ilaalinayay si ay ugu dabaal dagaan sanadka cusub oo isagii xabsiga la dhigay.

0
62

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Sarkaal ka tirsan booliiska dalka Zambia oo sakhraansanaa ayaa xabsiga ka sii daayay 13 tuhmane si ay u tagaan oo ay ugu dabaaldegaan sanadka cusub, sida ay saraakiishu sheegeen.

Baare Titus Phiri, oo ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa la xiray ka dib markii uu eedaysanayaasha ka sii daayay saldhiga Leonard Cheelo ee caasimadda Lusaka, ka hor inta uusan naftiisa u baxsan.

Markii dambe in la soo xiro waqti ma qaadan sabab la xiriira inuu cabsanaa.
13-ka maxbuus ee la sii daayay ayaa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin weerarro, dhac iyo tuuganimo.

Dhammaantood hadda waa ay baxsadeen, waxaana la bilaabay baadi goob lagu doonayo in lagu soo xiro oo dib loogu celiyo xabsigii sida nasiibka ah ay kaga baxeen.

Afhayeenka booliiska Rae Hamoonga ayaa sheegay in Mr Phiri, “isaga oo ku sugan xaalad maankiisu doorsanyahay, uu xoog uga qaatay furihii jeelka mid ka mid ah booliska xabsiga oo lagu magacaabo ” Serah Banda habeenkii sanadka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here