Aston Villa oo taako u dhigtay Man City oo marti ugu ahayd garoonka Villa Park

0
19

Baladweyne (Radio Beerlula)- Aston Villa ayaa taako u dhigtay Manchester City oo marti ugu ahayd garoonka Villa Park, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Aston Villa iyo Manchester City ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Haaland kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis De Bruyne.

74 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda martida loo ahaa ee Aston Villa ayaa dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Leon Bailey oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Jacob Ramsey.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ay ay ku kala baxeen labada kooxood Aston Villa iyo Manchester City. Kaddib ciyaar xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Villa Park.