Atletico Madrid oo todobo gool ku xasuuqday Real Madrid

0
359

Baladweyne(Radio Beerlula)- Real Madrid ayaa ceebtii ugu weyneyd ay ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Atletico Madrid ka dib markii 7-3 lagu xasuuqay kulankii saaxiibtinimo ay labada kooxood ku ciyaareen dalka Mareykanka. Diego Costa ayaa afar gool u dhaliyay Atletico Madrid laakiin casaan qaatay isaga iyo Carvajal markii ay dagaalameen

Atletico Madrid Goolasha kale waxaa ukala Dhaliyay

Angel Correa ,Vitolo, joao felix .

Real madrid  Sadaxda Gool waxaa ukala Dhaliyay

Nacho

 Javi Hernandez.

Benziima

Inkastoo ciyaar saaxiibtinimo ay aheyd hadana natiijo ceynkaan oo kale ah waxa ay dhaawac ku tahay kalsoonida ciyaartoyda Real Madrid ka hor xilli ciyaareedka cusub, tababare Zidane ayaana u baahan inuu shaqo badan ka qabto xiddigihiisa ka hor inta uusan bilaabanin xilli ciyaareedka La Liga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here