Atoore caan ah oo la xanuunsan cudur uu sababo hilmaamka

0
162

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qoyska atooraha caanka ah ee Hollywood-ka, Bruce Willis ayaa isbuucan sheegay in uu la xanuunsan yahay cudurka hilmaamka xad-dhaafka ah sababa ee loo yaqaanno “dementia

Warbaahinta caalamiga ah ah qaarkeed ayaa tebiyay in Bruce oo ku xaan baxay filimada dagaalka uu hadda ka hor lasoo gudboonaaday xanuun isagoo duubaya filimka Hard Kill. Waxa uu markaas si amar la’aan ah rasaas uga riday qori uu gacanta ku hayay isagoo aan garaneyn sababta.

Wargeyska LA Times ayaa shaaciyay in jilaaga uu ficilkaas sameeyay 2020-kii.
Agaasimeyaasha filimka ayaa ku khasbanaaday in ay yareeyaan doorka uu filimka ku lahaa Bruce Willis maadaama uu la xanuunsanayay cudurka aphasia oo sababa in qofka u uku dhaco jah wareer dhinaca fahamka luuqadda ah, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.