Baladweyne(Radio Beerlula)- Mid ka mid ah xiddigaha filimada ee ugu caansan dalka Hindiya ayaa sheegay in xirfaddii uu ilaa yaraantiisa ku hamin jiray aysan ahayn jilitaanka.
Jilaagan oo lagu magacaabo John Abraham ayaa tilmaamay in yaraantiis uu ku hamin jiray inuu ka mid noqdo xulka qaranka kubadda cagta dalka Hindiya.
Abraham, oo hadda 46 sano jir ah wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu caansan waddanka Hindiya, wuxuuna kasoo muuqday qiyaastii 50 filim oo uu atoore ka ahaa.
In ka badan 18 milyan oo ruux ayaa ku xiran baraha bulshada ee uu isticmaal Abraham.