Baadi goob loogu jiro jijin qadiimi ah oo lagu waayay madxaf ku yaalla Masar.

0
92

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mas’uuliyiinta Masar ayaa baadigoob ugu jira jijin 3,000 sano jir ah oo la sheegay in laga waayay madxafka wayn ee Qaahira.

Dahab naadir ah, oo lagu qurxiyey kuul lapis lazuli ah oo wareegsan, ayaa ahayd jijin la isticmaali jiray boqortooyadii Boqor Amenemope, Fircoon soomaray Boqortooyadii hore ee Masar oo ahayd tii 21aad ee xukumaysay 993 ilaa 984 dhalshadii ciise ka hor.

Wasaaradda aatharta qadiimiga ah ayaa sheegtay inay qaaday tillaabo degdeg ah kadib markii jijinta laga waayay shaybaadhka dib u soo celinta ee Matxafka Masar, waxayna sheegtay in kiiska loo gudbiyay booliiska.

Sawirka jijinta ayaa lagu wareejiyay dhammaan garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xuduudaha dhulka Masar, taasoo ah “tallaabo taxaddar leh oo looga hortagayo isku-dayga tahriibinta sheygaan”, ayay wasaaraddu ku dartay hadalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here