Baarlamaanka Pakistan oo qaati ka taagan jiir ay busaduhu xitaa ka baqaan.

0
69

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa waxaa faro ba’an ku haya jiir ama dooli kaas oo dhismaha baarlamaanka hadba dhinac ugu ordaya.

Xildhibannada baarlamanka Pakistan ayaa sheegay in jiirkan oo ah nooc waaweyn ay qaati ka taaganyihiin xubnaha baarlamaanka.

Baaxadda dhibaatada ayaa soo shaac baxday kadib markii guddi ka tirsan baarlamaanka ay codsadeen in ay arkaan diiwaannada shirarka laga soo bilaabo sanadkii 2008, kadib markii baaritaan lagu sameeyay diiwaannada ayaa la ogaaday in inta badan uu si xun u cunay jiirka.

“Jiirarka dhulkan jooga waa kuwo aad u waaweyn oo xataa laga yaabo in ay bisadaha ka baqaan,” ayuu BBC-da u sheegay afhayeenka golaha qaranka Zafar Sultan.

Faafitaanka jiirkaan ayaa haatan saa’id ah waxa uuna sababay in miisaaniyad sanadeedka lagu kordhiyo 1.2m rupees oo u dhiganta $4,300, taas oo loo qoondeeyay in wax looga qabto hoolka baarlamaanka Pakistan si gaar ah dhanka korontada.