Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono Guddiga Kumeel gaarka ah sida diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka.
Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin waxaa goob joog ahaa 170Xildhibaan 28 waxa ay ahaayeen sanatarada aqalka Sare halka 142 ay ahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ogolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.