Baledweyne ( Radio Beerlula )- Golaha labada aqal ee Baarlamaanka Dalkeena Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay xeerka dooroshooyiinka Qaranka.
Kooromka Golaha Shacabka ayaa ku furmay 172 Xildhibaan oo ka kala socday labada aqal Baarlamaaka dalka waxaana ogolaatay Xeerkaan 169 Xildhibaan , laba Xildhibaan ayaa diiday waxaan ka aamusay hal Xildhibaan.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey