Baarlamanka Jubaland oo ansixiyey wax ka badal lagu sameeyay Dastuurka maamulkaas

0
39

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Jubbaland oo maanta kala fadhigooda shanaad ku yeeshay kismaayo ayaa ansixiyay wax ka badal lagu sameeyay qodab kamid ah Dastuurka maamulkaasi.

Kala fadhiga xildhibaanada oo ay xaadireen 66 mudane ayaa lagu ansixiyay qodobka 65aad ee Dastuurka Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo markii hore muddada xil-haynta Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas ahayd 4 sano balse sanad dheeraad ah loogu daray sidaasina looga dhigay 5 sano.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Cabdinajiib Aweys Isxaaq.