Baarlamanka Kenya oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka.

0
76

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xildhibaanada dalka Kenya ayaa u codeeyay miisaaniyadda sannadkan 2024/2025, taasi oo noqoneysa middii ugu wayneyd ee dalka Kenya uu yeesho.

Dalka Kenya ayaa la qiyaasayaa in uu u baahan yahay miisaaniyad dhan 4.1 trillion oo shilling, halka canshuurta la qiyaasayo in ay soo xarooto ay tahay 2.7 trillion.

Xildhibaanda ayaa badankood u codeeyey miisaaniyadda iyaga oo sheegay in ay aaminsan yihiin in ay faa’iido badan ugu jirto gobolka.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan hoos u dhigtay canshuur kordhin lagu waday in lagu soo rogo badeecaha iyo agabyada ganacsi ee lagu iibiyo gudaha Kenya.