Baladweyne: in ka badan 147 ardey oo soo codsaday deeq waxbarasho oo ay soo bandhigtay jaamacadda Plasma oo lagu kala saaray bakhtiyaa nasiib

0
333

Baladweyne(Radio Beerlula)- Munaasabaddan oo aheyd mid lagu soo bandhigayay deeq waxbarasho oo ay bixisay jaamacadda Plasma Faraceeda magaalada Baladweyne, ayaa waxaa ka qeyb galay guddoonka waxbarashada gobolka, maamulka jaamacadda Plasma, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Deeqdan waxbarasho oo loogu talo galay inay ka faa’ideystan 50 ardey ayaa waxaa soo codsaday 147 ardey oo sannadkan ka baxay dugsiyada sare ee magaalada Baladweyne waxana lagu kala saaray bakhtiyaa nasiib iyadoo goobta munaasabadda la dhigay sanduuq.

Madaxa jaamaacadda Plasma ee gobollada Daahir Cabdow Xassan ayaa sheegay in ardeydan deeqda waxbarasho helay loogu talo galay inay wax ku bartan boqol kun oo dollar.

Maxamed Nuur Saciid Axmed madaxa ardeyda jaamacadda Plasma faraceeda magaalada Baladweyne ayaa radio Beerlula uga waramay qaabka u dhacay bakhtiyaa nasiibka.

Qaar ka mid ah ardeyda ku guuleystay deeqda waxbarasho ayaa radio Beerlula u sheegay inay ku faraxsan yihiin deeqdan ay heleen.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Hiiraan Cismaan Maxamed Cilmi ayaa bogaadiyay deeqdan waxbarasho ee jaamacadda Plasma ay u fidisay ardeyda gobolka.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here