Baladweyne ( Radio Beerlula )- Guddiga tartanka kubadda cagta goobaha ganacsi, waxbarashadda iyo caafimaadka magaalada Baladweyne ayaa shaaciyay isku aadka sami finalka tartankan oo ay iskugu soo hareen afar kooxood.
Kooxaha iskugu soo haray tartankan ayaa kala ah Goodir Mall, Jobkey university, Najax iyo Alpha Portrait.
Labada kooxood ee kala ah jaamacadda Jobkey iyo Goodir Mall ayaa galabta ku wada ciyaari doona garoonka kubadda cagta Afyare.
Koox kasta ayaa dadaal ugu jirta sidii ay ugu gudbi laheyd finalka tartanka islamarkana ay ugu guuleysan laheyd tartankan.


