Baladweyne: Kooxaha Fiiltare FC iyo VIP oo ku hardami doona finalka tartanka

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa galabta lagu soo gaba gabeynaya tartanka kubadda cagta bisha Ramadaan kaasoo ugu dambeystii ay iskugu soo hareen kooxaha Fiiltare FC iyo VIP.

Labada kooxood ayaa mid kasta dadaal ugu jirta sidii ay ugu guuleysan laheyd tartanka kuwaasoo galabta soo bandhigi doona ciyaar xiiso badan.

Boqolaal dhalinyarada magaalada Baladweyne oo kala taageersan labada kooxood ayaa u soo dawasha tagi doona ciyaartan kama dambeysta ah.

Kooxda ku guuleysta tartankan ayaa la guddoonsiin doonaa koobka iyo abaalmarino kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here