Man United oo isku diyaarineysa marxaladda ugu muhiimsan ee heshiiska Adrien Rabiot

0
35

Baladweyne (Radio Beerlula)- Manchester United ayaa isku diyaarinaysa marxaladda ugu muhiimsan ee heshiiska xiddiga reer France iyo kooxda Juventus ee Adrien Rabiot, si ay ugu xoojiso safkeeda xilliyada soo socda.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Italia, maamulaha Manchester United John Murtough ayaa yimid Turin si uu wadahadalo ula galo Adrien Rabiot kaddib markii Juventus ay ogolaatay heshiis ku kacaya 17 million euros.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in Manchester United ay tahay inay la xaajooto wakiilka Rabiot iyo hooyadiis, Ms. Veronique Rabiot, kuwaas oo hubaal ah inay raadin doonaan heshiiska ugu wanaagsan ee suurtogalka ah ee u adeegaya danaha wiilkeeda.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in maamulaha Manchester United, inkastoo uu Khamiista yimid Turin, kulankiisa ugu horreeyaa uu noqon doono maanta oo Jimco ah, Rabiot ayaa rajeynaya inuu helo wax ka badan inta uu hadda ka helo Juventus.

Adrien Rabiot ayaa Juventus ka qaata mushaar dhan 7 million euros xilli ciyaareedkii, wuxuuna doonayaa inuu ugu yaraan 7.5 million euros xilli ciyaareedkii ka helo Manchester United.

Adrien Rabiot ayaa u dhaqaaqay Juventus 2019 isagoo ka yimid Paris Saint-Germain, tan iyo markaas wuxuu kooxda u ciyaaray 129 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 6 gool isla markaana caawiyay 6 gool kale.