Baledweyne ( Radio Beerlula )- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr Ali Haji Adam, ayaa dhagax dhigay ballaarinta dhismaha Isbitaalka Gobolka Baay isagoo sidoo kale xarigga ka jaray qaybo cusub oo muhiim ah oo lagu soo kordhiyay isbitaalka.
Munaasabaddan dhagax dhigga iyo xarig jarka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Saciid Axmed Cali, iyo gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdulaahi Cali Watiin
waxa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdullaahi


