Banaanbaxyada looga soo horjeedo xakameynta COVID-19 ee ka socda dalka Canada oo sii xoogeystay

0
269

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dibad-baxyada  ka socda dalka Canada ayaa sii xoogeystay, kuwaas oo ka dhashay go’aan kasoo baxay dowladda oo la xiriira xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Dowladda ayaa kusoo rogtay darawallada gaadiidka waaweyn ee u kala goosha Mareykanka iyo Canada inay qaataan tallaalka COVID-19 haddii kale aanay sii shaqeyn karin.

Dibad-baxyada ayaa waxaa kusoo biiray kooxo kale oo kasoo horjeeda xayiraadaha COVID-19, oo rumeysan inay xadgudub ku tahay xoriyadooda.