Bananabaxyo khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Dhaka.

0
83

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 13 qof ayaa dhintay kaddib marki ay isku dhaceen kumannaan arday ah oo ku hubeysnaa ulo iyo dhagxaan iyo ciidamada booliska magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladesh.

Rabshadihi shalay ayaa ahaa kuwi ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki ay Bangladesh ka billowdeen, mudaaharaadyada ay ardayda uga soo horjeedaan siyaasad ay dowladda soo rogtay oo shaqooyinka dowladda ka bannaan qeyb badan oo ka mid ah siineysa dad gaar ah oo ka mid ah mujtamaca.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la soo afjaro nidaamka cusub ee kootada shaqada, kaas oo dhigaya in ilaa 30% shaqooyinka dawladda la siiyo qaraabada dadki kasoo dagaallamay dagaalkii madax-bannaanida ee Bangladesh ee sannadkii 1971-kii.

Bannaanbaxyada ayaa xooggooda ka socda jaamacadda caanka ah ee Dhaka.