Bananbax nabadeed oo looga soo horjeedo kufsiga loo geysto haweenka oo lagu qabtay Garoowe

0
376

Baladweyne(Radio Beerlula)- Banaanbax nabadeed oo looga soo horjeedo kufsiyo dhawaan ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay dhalinyaro iskugu jira wiilal iyo gabdho.

Dhalinyaradan  oo watay boorar ay ku qoran yihiin oday beeleed garoorse mahan, waxaan u baahanahay cadaalad iyo kufsiga qabiil malahan  ayaa banaanbax ka hor dhigay dhismayaasha waasaaraddaha cadaaladda, arrimaha gudaha iyo haweenka Puntland  ee k u yaalla magaalada Garoowe.

Xubnaha ka qeyb galay banaanbax ayaa sheegay in loo baahan yahay in cadaalad la hor keeno kuwa geystay kufsiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan dhaban cad, Wasiirka haweenka Puntland amina Cismaan Xaaji ayaa si wada jir ah ula hadlay dhalinyarada banaanbaxa ka qeyb galay ayaa sheegay in cadalaad la hor keeni doono kuwii geystay kufsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here