Bangiyada Mareykanka oo qarka u saaran inay suuqa ka baxan.

0
152

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qeyb kamid ah suuqyada lagu kala iibsado saamiyada bangiyada waddanka Mareykanka ayaa weli hoos u sii dhacaya, walo madaxweyne Joe Biden uu dadka dalkiisa u xaqiijiyay in lacagtooda ay badqabto kaddib markii ay burbureen bangiyo uu kamid yahay Silicon Valley.

Goor sii horraysay Mr Biden ayaa khudbad uu ka jeediyay taleefishinka waxa uu ku sheegay inuu samayn doono waxkasta oo uu awoodo si loo ilaaliyo deganaanshiyaha dhaqaalaha.

Suuqyada saamiyada ee guud ahaan Yurub ayaa ku xirmay wax ka hooseeya boqolkiiba laba, halka ay bangiyada wajaheen hoos u dhaca ugu wayn.