Bangiyada Ruushka iyo Iran oo samaystay nidaam gaar ah oo ay lacagaha iskugu diraan.

0
138

Baladweyne ( Radio Beerlula )-sarkaal sare oo u hadlay dalka Iran ayaa sheegay in dalalka Iran iyo Ruushku inay isku xidheen hannaanka isgaadhsiinta ee bangiyadooda iyo nidaamka kala wareejinta lacagaha, si arrintaasi ay gacan uga geysato kor u qaadista ganacsiga iyo macaamilka maaliyadeed.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dalalka reer galbeedku ay saareen cunaqabatayn maaliyadeed Iran iyo Ruushka.

Tan iyo sannadkii 2018, oo ahayd markii uu Maraykanku ka laabtay heshiiskii hubka nukliyeerka ee Iran, isla markaana uu soo celiyey cunaqabtaynadii saarnaa dalkaasi, waxay Iran ka maqnayd nidaamka is-afgarashada ee bangiyada ee loo yaqaano Swift Code kaas oo xaruntiisu ay tahay Belgium.

nidaamkan ayaa xuddun u ah xidhiidhka iyo is-afgarashada bangiyada caalamka.

Xannibaado kuwaas la mid ah ayaa sidoo kale lagu soo rogay bangiyada dalka Ruushka, tan iyo markii ay weerarka ku qaadeen dalka Ukraine, sannadkii hore.