Barack iyo Michelle oo taageeray Kamala Harris.

0
60

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ku taageeray Kamala Harris doonisteeda Aqalka Cad, taasi oo siisay madaxweyne ku-xigeenka taageerada la filayo balse weli muhiimka ah ee labada qof ee ugu caansan xisbiga Dimoqraadiga.

Taageerada ayaa subaxnimadii Jimcaha lagu shaaciyey muuqaal muujinaya Harris oo aqbaleysa telefon ay u soo direen Barack iyo Michelle Obama, xilli ay dhiseyso dardarta ay ku noqoneyso musharraxa xisbigeeda.

Tani waxay ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Axaddii ku dhowaaqay inuu ka haray isku daygiisa dib u doorasho, kuna dhowaaqay inuu taageerayo in ku-xigeenkiisa ay la tartanto musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

Guddiga Qaran ee Dimoqraadiga ayaa qaban doonaa codeyn hab fogaan arag ah taasi oo la filayo in ka hor 7-da August ay xaqiijiso in Harris ay noqoto musharraxa rasmiga ah ee xisbiga.