Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qoysaskaan oo ku nool Kaamka Ifka iyo Aakhiro Xaafada Buundoweyn laanta Doonka ee Magaalada Baladweyne ayaa xiligaan wajaha xaalado Bani’aadanimo iyadoo fooda inagu soo haysa bisha barakaysan ee Ramadaan.
Xaaladaha nololeed oo ay wajahaayaan qoysaskaan ayaa waxaa kamid ah Raashiin la’aan , Hoy la’aan, Biyo la’aan iyaga oo u baahan in laga gacan siiyo sidii ay u heli lahaayeen Raashiin ka noocyadiisa kala duwan si ay ugu Afuraan uguna Suxuurtaan inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


