Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulka Akademiyadda Caafimaadka Green ee magaalada Baladweyne ayaa olole Caafimaad oo isugu jiro Daaweeyn iyo Wacyigelin u sameeyay Barakacyaasha ku nool kaamka Baareey oo ku yaalo xaafada Howl wadaag.
Ololahaan caafimaad ayaa waxaa ka faaidaystay barakacyaal isugu jiro Haween , Caruur iyo Odayaal kuwaas oo aan awoodin in ay tagaan goobaha Caafimaadka.
Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey.


