Barakacayaasha ku nool kaamka Harqaboobe ee duleedka Waqooyiga magaalada Baladweyne ayaa Hey’adda Samafalka iyo bulshada Soomaaliyeed, ka codsaday in ay lasoo gaaraan Bac roobaad maadaama uu bilowday xilliga roobka.
Dadkan barakacayaasha ah ayaa sheegay in ay ku nool yihiin xaalado adag oo ay ka mid yihiin guryo dumay, biyo la’aan iyo cunto yari, taasoo ka sii dartay kadib markii roobabkii ugu horreeyay ay bilaabeen.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


