Baladweyne ( Radio Beerlula )-Barakacyaashaan ayaa ku nool Kaamka Laas Quran oo ku yaalo Waqooyiga Baladweyne ayaa Hey’addaha Samafalka ka codsaday in loo hirgeliyo goobo waxbarasho oo caruurtooda wax ku bartaan maadaama ay gaareen da’da waxbarashada.
Kaamkaan ayaa waxa ku nool caruur u badan Agoon , Rajo iyo danyar kuwaasi oo gaaray da”da waxbarashada iyaga oo aan awoodin in ay helaan goobaha lagu barto Qur’aanka kariimka iyo waxbarasho aas aasiga ah.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


