Barcelona oo barbaro ku furtay kulankeedii ugu horreeyey La Liga xilli ciyaareedka cusub 2022-23

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa barbaro ku furtay kulankeedii ugu horreeyey La Liga xilli ciyaareedka cusub 2022-23, kaddib markii ay barbardhac 0-0 ah la dhaafi weysay kooxda Rayo Vallecano oo marti ugu ahayd garoonkeeda Camp Nou.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Barcelona iyo Rayo Vallecano ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah, ay ku kala baxeen labada kooxood Barcelona iyo Rayo Vallecano, kaddib ciyaar xiiso badan oo ka dhacday garoonka Camp Nou.