Barcelona oo barbaro la gashay kooxda Osasuna

0
505

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Barcelona ayaa barbaro niyadjab ah kala soo laabatay garoonka El Sadar, kaddib markii ay Osasuna ku kala baxeen 2-2.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Osasuna.

Daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta Roberto Torres ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Osasuna, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Brandon Thomas

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay garoonka lasoo galeen qaab ciyaareed heersare ah, iyaga oo sameeyay fursado dhowr ah ee loo filan karay goolal.

Laakiin daqiiqadii 51-aad Ansu Fati ayaa goolka barbaraha u dhaliyay kooxda Barcelona, kaddib caawin uu ka helay Carles Perez, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-1.

Daqiiqadii 64-aad Arthur  ayaa markan hogaanka u dhiibay kooxda Barcelona, waxaana markale goolkan caawiyay Carles Perez, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-2.

Laakiin daqiiqadii 81-aad kooxda martida loo ahaa ee Osasuna ayaa heshay rigoore, waxaana gool u badalay Roberto Torres oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Ugu dambeyntii Kooxda Barcelona ayaa barbaro la soo gashay kooxda Osasuna oo ay booqatay, kaddib markii ay ku kala baxeen 2-2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here