Barcelona oo bedelka Luis Suarez ka dhex aragta Kooxaha ka dhisan Magaalada Manchester

0
312

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay bedelka Luis Suarez ka dhex aragto naadiga Manchester City ee dalka Ingiriiska.

Barca ayaa doonaysa inay la soo wareegto Gabriel Jesus si ay uga dhigato bedelka rasmiga ah ee Luis Suarez, laakiin Man City waxa ay doonaysaa dhankeeda inay sii haysato xiddiga reer Brazil.

Sida wararku ay sheegayaan kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa doonaysa inay salka u dhigto heshiis ay ku soo qaadanayso Gabriel Jesus, kaasoo ay u aragto bedelka saxda ah ee Luis Suarez oo ku dhow inuu ka tago.

Weeraryahankan reer Brazil ayaa weli ah dooqa labaad ee weerarka Man City, isagoo ka dambeeya Sergio Aguero, laakiin kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ayaa door-bidaysa inay sii haysato waqtigan xiddigeeda Jesus.

Man City waxay ka shaqeynayaan sidii ay Lionel Messi u keeni lahaayeen horyaalka Premier League-ga, waxaana ay diyaar u yihiin inay saddex ciyaaryahan u soo bandhigaan Barca oo ay qeyb kaga dhigaan heshiiska ay ku doonayaan xiddiga reer Argentina, laakiin Jesus uma badna inuu ka mid noqon doono xiddigahaas.

Luis Suarez ayaa dhankiisa ku dhow inuu ka tago garoonka Camp Nou kaddib markii macallinka cusub ee Barcelona u sheegay weeraryahankan reer Uruguay in uusan ku jirin qorshiisa xilli ciyareedka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here