Barcelona oo dalab cusub ka gudbisay Neymar

0
320

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa weli si dadban u socda wadahadalada u dhaxeeya kooxaha Barcelona iyo Paris Saint-Germain ee ku aadan saxiixa xiddiga reer Brazil Neymar, laakiin wadahalada ma ahan kuwa si toos ah u dhexmaraya labada kooxood, waxaa u kala dab qaadaya dalaaliin, sida ay saaka qortay jariirada AS.

Waxay sheegeen in Barcelona ay dalaaliin u dhiibtay dalab ay si toos ah ugu geeyaan madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi, waxaana uu dalabkaas ka koobnaa 40 milyan yuro oo kaash ah oo lagu daray labada xiddig ee kala ah Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele.

Sida ay sheegtay wargeyska AS waxa uu dalabkaas ka careysiiyay Sheikh Al-Khelaifi kaasoo u arka

in dalabka uu yahay mid aad uga hooseeya waxa ay PSG dooneyso inkastoo uu madaxweynaha PSG diyaar u yahay inuu iska diro Neymar xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here