Baledweyne ( Radio Beerlula )-FC Barcelona ayaa bilowday inay sahamiso dookhyada ay ku xoojineyso weerarkeeda xili ciyaareedkaan.
Hal magac oo caan baxay maalmihii ugu dambeeyay oo lala xiriirinayo kooxda Barcelona ayaa noqday Jhon Durán oo katirsan Aston Villa.
21-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ee reer Colombia, ayaa kamid ah weeraryahanada ugu halista badan horyaalka Premier League, waxaana uu kusoo baxay qeyb muhiim ah oo kamid ah kooxda tababare Unai Emery.
Weeraryahankaan dhalinyarada ah yaa noqday mid kamid ah bartilmaameedka ugu sareeya suuqa kala iibsiga kooxda Blaugrana.
Inkasta oo xaalada dhaqaale ee Barça ay tahay mid cakiran, haddana waxaa la isla dhaxmarayaa in saxiixyo cusub ay ku dhawaaqi doonto inta ay furan tahay daaqada jilaalka.
Sida laga soo xigtay Diario SPORT, Barça, oo dooneysa inay abuurto fursado badan oo weerarka ah, ayaa ku wargalisay tababare Hansi Flick dhawr toddobaad ka hor keenista Durán.
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay wakiilka ciyaaryahanka Jhon Durán kula kulantay Doha si ay kaga dhaadhiciyaan qorshaha ay ku doonayaan saxiixiisa.