Barcelona Oo Gaartay Guusheedii Ugu Horeysay Ee La Liga & Pedri & Torres Oo Looga Mahadceliyay

0
100

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Barcelona ayaa guul ay u dagaalantay ka gaartay kooxda Cadiz kulankoodii ugu horeysay ee ay ku ciyaaraan garoonkooda ku meel gaarka ah ee Montjuic Olympic stadium madaama Camp Nou dayactir lagu sameynayo.

Barcelona ayaa 2-0 ku dubatay kulan ay ganaax kaga maqnaayeen tababare Xavi Hernandez iyo xiddigooda Raphinha kuwaasoo ganaax min labo kulan ah garka loo suray ka dib kulankii furitaanka ee La Liga.

Qeybtii hore ee ciyaarta Barcelona ayaa loo diiday inay shabaqa soo taabato qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Cadiz ay dhabar adeeg muujisay, halka fursadihii ay Barca heshay ay noqdeen kuwa dhicisoobay.

Barcelona ayaa si fiican ku bilaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Pedri uu birta garaacay halka Lewandowski uu fursado dhowr ah ka qasaariyay kooxda Barcelona.

Cadiz iyaga dhankooda waxaa soo martay fursad hal iyo labo ah laakiin kama faa’ideysanin.

Iyadoo ciyaarta ay u muuqato inay barbaro goolal la’aan ah ku socoto, waxaa goolka guusha Barcelona u dhaliyay Pedri daqiiqadii 82aad ka dib caawin uu ka helay saxiixa cusub Ilkay Gundogan.

Cadiz ayaa waxaa soo martay fursad ay ciyaarta ku barbareyn kareen laakiin waa ay ka dhicisowday mar kale.

Daqiiqadii 3aad ee waqtigii ciyaarta lagu daray, Barcelona ayaa ciyaarta ku dishay goolkii labaad oo uu saxiixay Ferran Torres ka dib caawimaad uu ka helay Robert Lewandowski.

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Barcelona ku garaacday kooxda Cadiz, waana guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka La Liga ka dib markii ay barbaro ku furteen xilli ciyaareedka.