Barcelona oo garoonkeeda Caamp Nou guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Elche

0
9

Baladweyne (Radio Beerlula)-Barcelona ayaa garoonkeeda Caamp Nou guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Elche, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka La Liga Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 34-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay Lewandowski, kaddib markii uu ka caawiyay Alejandro Balde.

41 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Barcelona ayaa dhalisay goolkeeda labaad, waxaana 2-0 ka dhigay Memphis Depay oo ay caawin kaga timid Alejandro Balde.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Lewandowsk ayaa daqiiqadii 48-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Barcelona, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay Barca.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Elche oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou.