Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Real Valladolid

0
161

Baladweyne (Radio Beerlula)-  Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Real Valladolid, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 24-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-0 ka dhigay Lewandowski, iyadoo caawinta goolkan uu lahaa Raphinha.

43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Pedri oo caawin ka helay saaxiibkiis Dembele ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 64-aad Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta iyada oo uu 3-0 ka dhigay weeraryahankeeda Lewandowski kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Ousmane Dembélé.

90 + 2 marka ay ciyaarta ahayd Sergi Roberto ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 4-0 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Real Valladolid oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou.