Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Joao Felix

0
71

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxa warbaahinta waxyaabaha haystay kamid ahaa weeraryahanka Atletico Madrid ee Joao Felix oo waraysi uu bixiyay ku sheegay inuu ku riyoodo Barcelona.

Felix ayaa qirtay inuu markasta ku riyoon jiran inuu mar uun metelo kooxda kusoo guuleysatay La Liga, Barca ayaa haatan ka shaqaynaysa sidii ay riyadaas ugu rumayn lahayd.

Wakiilka caanka ah ee Jorge Mendes oo metela Felix xidhiidh dhawna la leh Barcelona ayaa saxeexa ciyaaryahanka u bandhigay Barca sida uu sheegayo saxafi Toni Juanmarti.

Warbixinta Toni ayaa sheegaysa in heshiiskaasi u eeg ahay mid aan macquul ahayn haatan laakiin Barcelona la saxeexan doonto Felix haddii ay fursada hesho inta suuqa ka hadhsan.

Xaalada dhaqaale ee Barcelona oo xun ayaa ka dhigan inaan heshiiskani hadda suurogali karin balse haddii ay iib weyn samayso oo ciyaartoy iibiso gaar ahaan weerarka ayay la saxeexan karaan Felix.

Saxeexa Felix haddii ay Barcelona samayso ayay arrin qariib ah noqon doontaa, dabcan maaha ciyaaryahan xun balse sanadihii ugu dambeeyay ayuu soo dhibtooday isagoo sidoo kale aan u muuqan mid nidaamka Xavi Hernandez ku haboon.