Barcelona oo guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Sevilla oo ay booqatay

0
138

Baladweyne (Radio Beerlula)- Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka soo heshay kooxda Sevilla oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 21-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabtay dheesha kaddib markii uu 0-1 ka dhigay xiddigooda reer Brazil ee Raphinha.

36 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Lewandowski oo ay caawin kaga timid Jules Koundé ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta, waxaana 0-3 ka dhigay Eric García, kaddib markii uu ka caawiyay Jules Koundé.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Barcelona kooxda Sevilla oo ay ku booqatay garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan, Barca ayaa kaalinta labaad ka soo fariisatay kala sareynta horyaalka Spain, kaddib markii ay uruursatay 10 dhibcood.